Maxaa ka jira in ciidamo ka tirsan daraawiishta jubbalaan ay isku dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Raaskaanbooni ?
Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Raaskaanbooni ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka Jubbalaan oo halkaas doomo lagu geeyay ay isku dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee dhowaan la geeyay deegaankaas.
Ilo ku dhow ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in tobanaan askari oo ka tirsanaa maamulka Jubbalaan ay isku soo dhiibeen CXDS, balse Jubbalaan waxay sheegtay in daraawiishtoodu ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday.
Sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya askar saf ku jirta oo ciidamo kale ay ku hareeraysanyihiin, Jubbalaanna waxay ciidamo hor leh doomo uga daabulaysaa magaalada kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee lama oga sida ay xaaladda ku dambayn doonto dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaanna ciidamo ayay ku daabulayaan deegaanka oo qiyaastii 200 kmr u jira magaalada Kismaayo.