SSC-Khaatumo oo Soomaaliland ku eedaysay shaqaaqadii ka dhacday Ceerigaabo
Ayadoo dhowaan ay magaalada Ceerigaabo ka dhacday shaqaaqo u dhexaysa dad kala taageersan Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Soomaaliland ku eedeeyay in wixii meesha ka dhacay ay masuul ka ahayd.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, islamarkaana 5 qof halkaas lagu diley, 4 kalena lagu dhaawacay, wuxuuna eedda dhacdadaas dusha ka saaray Soomaaliland.
Soomaaliland ayaa dhankeeda sheegtay inay ku howlantahay soo qabashada dadkii shaqaaqa ka dambeeyay, islamarkaana magaalada ay bandow ku soo rogtay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo shir jaraa’id qabtay.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda Ceerigaabo ayaa hadda deggan, balse waxaa jira baaqyo dhiillo xambaarsan oo ka soo yeeraya Soomaaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo laga cabsi qabo inay xaaladda uga sii daraan.