U bood dhigaalka

130 qof oo la la’yahay kadib dhul go’o ka dhacay dalka Uganda

Ugu yaraan 130  qof ayaa la la’yahay, halka 17 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen.

Dhul go’a ka dhashay roobabka xooggan ayaa saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala.

Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda.

Booliska Uganda ayaa sheegay in sidoo kale 15 meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah oo la soo badbaadiyay la dhigay cisbitaalka.

Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay dalka Ugandha. Arbacadii, Raiisel wasaare Robinah Nabbanja ayaa soo saartay digniin dhanka musiibada ah taas oo ay ku qortay barta X.

“Dadka qaar ayaa looga shakisan yahay inay maqan yihiin, qaarkoodna waxaa laga cabsi qabaa inay ciidda ku aasmeen.”