U bood dhigaalka

Dowlad deegaanka Soomaalida oo amarro culus dul dhigtay dadka kala taageersan dowladda DFS iyo Jubbaland

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa amarro culus dul dhigtay dadka jooga magaalada Jigjiga iyo deegaanada kale ee Soomaali galbeed ee taageerada u kala muujiya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Hogaanka nabad-galyada deegaanka ayaa soo saaray go’aan adag oo ku saabsan inaan magaalada Jigjiga iyo deegaanka soomaalidoo dhan looga durbaan tumi karin xiisadda u dhexaysa DFS iyo maamulka Jubbaland, islamarkaana aan la baahin karin afkaaro qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo ku aaddan khilaafkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha nabad-gelyada deegaanka Soomaalidu ayaa lagu yiri “waxaannu haysannaa amni iyo xasilooni siyaasadeed,  iyo sidoo kale wada noolaansho bulsho oo aan taariikhda inta uu soo jiray deegaan soo helin,
mana ogolaanayno  in lagu kala geeyo  bulshada, hebel oo dal kale  ah baan ku taageersanahay abtir qabiil, ama dano siyaasadeed , oo aan ugu geeraarayaa jigjiga”.

Sidoo kale war saxaafadeed ayaa lagu sheegay inaan deegaanka Soomaalidu xamili karin in lagu garaaco durbaan siyaasadeed oo lagu taageerayo dhinacyo kale, islamarkaana ka baxsan danihiisa gudaha.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Jigjigo shirar iska soo horjeeda ku qabanayeen odayaal kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, islamarkaana farriimo adag halkaas ka soo dirayay.