U bood dhigaalka

Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xirmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiritaanka kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.

Intii lagu guda jiray kalfadhigan, Baarlamaanka ayaa diiradda saaray ansixinta shuruuc muhiim ah oo la xiriira horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga shaqeeyay xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Sharciyada Doorashooyinka.

Kalfadhigan oo horay u soo bilaawday bishii Luulyo 2024, ayaa ka mid ahaa dadaallada Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu xoojinayo hannaanka dowladnimo iyo sharciyada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka iyo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.