Maxaa iska badelay go’aankii dowladda Soomaaliya ee bixitaanka ciidanka Itoobiya ?
Ka dib heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa soo baxayay xogo kala duwan oo ku saabsan waxa laga yeelayo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika, kuwaas oo ay DFS horay u sheegtay inaysan dalka sii joogi doonin wixii ka dambeeya bishan December.
Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku addan bixitaanka ciidankan oo isugu jira kuwo hoostaga howlgalka ATMIS ee waqtigiisu sii dhammaanayo iyo qaar ka madax-bannaan oo dalka sharci darro ku jooga ayaa mid jawaab u ahaa is afgaradkii Abii Axmed iyo Muuse Biixi, balse markii uu meesha ka baxay waxaa muuqanaysa in qorsheyaal badani is badeleen.
La-taliyaha Amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso in dib u eegis lagu sameeyo go’aankeedii ku addanaa bixitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka mudda dheer joogay.
” shirkii Ankara arrintaas laguma faahfaahin markaa dowlad ahaan hadda inaan isku noqanno oo aan tixgelinno xaaladda cusub ee hadda la galay iyo sida laga yeelayo sii joogitaanka ciidanka Itoobiya waa go’aan aan hadda ku gudaha jirno sida uu noqanayo” ayuu yiri Xuseen Macallin oo wareysiiyay warbaahinta dowladda.
Ciidanka Itoobiya oo muddo dheer ku sugnaa gudaha dalka ayaa isugu jira kuwo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kuwo ka madax-bannaan oo xilligay rabaan soohdinta ka soo gudba, waxayna dad badani rumaysanyihiin inay si joogto ah ugu kacaan gabood-fallo iyo xadgudubyo ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.