Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.