Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay Itoobiya u oggolaatay marin biyood badda cas ah
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Itoobiya ay u oggolaatay marin biyood badda cas ah, kaas oo warbaahintu ay saacaddii hadal-haysay.
Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qoraal kooban oo afka Ingiriiska ku qoran soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay inaan waxba ka jirin wararka tibaaxaya in Itoobiya loo oggolaaday marin biyood badda cas dhaca.
“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, waa sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn oo ka maran wax aasaas ah, Soomaaliyana waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka” ayuu yiri wasiirka Fiqi.
Wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u oggolaatay marin biyood deked ganacsi oo badda cas dhaca ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday warbaahinta Soomaalida, taas oo dhalisay falcelin baaxad leh.