U bood dhigaalka

Odayaasha dhaqanka Soomaaaliyeed oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha ka aloosan meelo dalka kamid ah

Qaar kamida odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan loo joojiyo colaadaha ka socda goobo kala duwan oo dalka kamid ah.

Odayaashan ayaa sheegay inay aad ugu xunyihiin colaadaha ka socda meelo kamid ah dalka , waxayna u tacsiyeeynayaan intii ku dhimatay, ayagoo Alle uga baryay inuu  u naxariisto, intii ku dhaawacantayna u booga dhayo.

“Odaayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxay u arkaan xasaradaha in ay caqabad ku yihiin Nabadda, Xasilloonida, Horumarka dalka iyo guud ahaan qorsheyaasha Qaranka” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war saxaafadeed ay odayaashu soo saareen.

Ugu dambeyn hoggaan dhaqameedyadan ayaa ku baaqay in la fidiyo gogol nabadeed oo lagu xallinayo colaadaha hadda socda, wuxuuna warkoodu ku soo beegmayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay dad badani ku dhinteen dagaal beeleedyo gobollada dalka qaarkood ka dhacay.