Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatay kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobe
Sheeko:Warar & Warbixino
Soomaaliya ayaa muddo 54 sano kadib si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo loo doortay xubin kamida kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha, kaas oo ay ku fadhin doonto laga billaabo bishan Janaayo 2025 ilaa sanadka dambe ee 2026.
War kooban oo ka soo baxay howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, anagoo u heellan ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah”.
Soomaaliya oo kamid ah 3 dal oo qaaradda Afrika ku matali doona golahan ayaa la filayaa inay kaalin firfircoon ka qaadan doonto xal u helidda xasradaha ka aloosan dunida iyo gudaha dhulkeedaba.