U bood dhigaalka

Puntland iyo Galmudug oo xal ka gaaray colaad maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd gobolka Mudug

Shir ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socata dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay 5-tii bishan, islamarkaana looga arrinsanayay sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay laba beelood oo galbeed Mudug wada dega ayaa laga soo saaray qodobo heshiis ah.

Qodobada heshiiska ah ayaa u dhignaa sidan: 1: Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

2: In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

3: In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.