U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo war ka soo saartay socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh ee dalkaas

War saxaafadeed ay dowladda Itoobiya ka soo saartay safarka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee dalkaas ayaa lagu yiri

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya.

Labada mas’uul ayaa iska xog wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xariirkooda laba geesoodka ah iyaga oo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda ka helaya caasimadooda. Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ee golayaasha dhinacyada badan iyo kuwa gobolka ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Hogaamiyayaasha ayaa dib u xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam. Waxay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Waxa kale oo laga wada-hadlay sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal. Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah iyo khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka, waxay isku raaceen in ay farayaan hay’adaha amniga ee kala duwan si ay u xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan.

Ugu dambeyntii, waxay ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Baaqa Ankara iyo ruuxa saaxiibtinimada iyo wadajirka ee soo nooleeya Baaqa. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka”.