Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeedda Addis Ababa
Galabta Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.
Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.
Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti.
Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada. Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.