Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu kulamo iyo wada-hadallo gaar ah kula yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo sii cakirmaya, gaar ahaan dagaallada iyo xiisadaha ka taagan waqooyiga Itoobiya.
Kulamada Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka, iyadoo sidoo kale laga wada hadli karo xaaladaha cusub ee ka jira Geeska Afrika iyo guud ahaan Badda Cas.
Itoobiya ayaa xilligan wajahaysa dagaallo iyo iska horimaadyo cusub oo ka socda qaybo ka mid ah waqooyiga dalka, gaar ahaan deegaannada Tigray iyo Amxaarada.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale eedeymo u jeedisay dalalka Suudaan, Eritrea iyo Masar, iyadoo ku eedeysay inay door ku leeyihiin ama taageero siinayaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha.
Dalalkaasi ayaa qaarkood beeniyay eedeymaha Itoobiya, waxaana xiisadaha u dhexeeya dowladaha gobolka ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in colaadaha gudaha Itoobiya ay saameyn ku yeeshaan amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Dhanka kale, xaaladda Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab Al-Mandab ayaa kamid ah arrimaha muhiimka ah ee amniga gobolka, iyadoo dagaalka Yemen iyo weerarrada ka dhaca marin-biyoodkaasi ay saameyn ku yeesheen isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo amniga guud ee gobolka.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labaduba muhiim u ah amniga Geeska Afrika, waxaana labada dowladood ay sannadihii u dambeeyay xoogga saarayeen xoojinta xiriirkooda iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada wada-hadallada uu la yeelanayo Abiy Axmed iyo qodobada ay labada dhinac kasoo saaraan xaaladda gobolka.