U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York Kulamo gaar gaar ah kula Yeeshay Hoggaamiyeyaal Caalami ah

Sebteembar 23, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda uu la kulmay la wadaagay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamada ku soo bandhigay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi, gaar ahaan dhinacyada danaha labada dhinac iyo iskaashiga caalamiga ah.

Kulamadan ayaa ka mid ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka wado magaalada New York, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo hawlo la xiriira ajendayaasha caalamiga ah.