New York, Sebteembar 23, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh labada dal iyo danaha ay wadaagaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo horumariyo xiriirka labada dal iyo danaha ay wadaagaan.