Madaxweynaha dalka Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay danjiraha cusub ee Soomaaliya
Sheeko:Warar & Warbixino

Madaxweynaha Dalka Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenino ka guddoontay Safiirka Soomaaliya u fadhin doonta dalkaasi Switzerland Danjire Khadra Axmed Ducaale
Danjirahan ayaa sidoo kale Soomaaliya ku matali doonta Qaramadda Midoobay iyo Hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland .
Inta badan ururrada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamida ah hay’adaha ugu waaweyn Qaramada Midoobay ayaa xarumo ku leh dalkaas, gaar ahaan magaalada Geneva, taas oo ahmiyad weyn u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.