U bood dhigaalka

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doon dalka Ruushka oo gaaray Moscow, xilli Soomaaliya ay xariir la samaysay Ukraine

Danjiraha Soomaaliya uu fadhin doona dalka Ruushka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa gaaray magaalada Moscow ee caasimadda dalkaasi Ruushka, wuxuuna la kulmay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaas.

Danjiraha ayaa waxaa Moscow ku soo dhaweeyey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka oo uu kamid yahay Xoghayaha Labaad ee Wasaaradda Arrimaha Mudane Kashtanov Vasilii Ur’evich.

sidoo kale Danjireyaasha dalal badan oo fadhigoodu yahay Moscow iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta danjire Maxamed Abuukar Zubeyr, wuxuuna ballanqaaday inuu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli saacado ka hor Ukraine ay xaqiijisay in ay xariir la samaysay Soomaaliya oo uu wada-hadal khadka Teleefonka ahi dhex maray mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Dibadda labada dal.