U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay heshiiska xabbad-joojinta ah ee Israa’iil iyo Xamaas

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay heshiiska xabbad-joojinta Qasa, waxayna garab istaag u muujisay dadka shacabka ah ee reer falastiin, kuwaas oo ku dhowaad 15-kii bilood ee la soo dhaafay dhibane u noqday duqeymo iyo gumaad aan kala joogsi lahayn.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri” Waxaan soo dhaweynayaa ku dhawaaqista heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaray marinka Qaza, waxaan ka mahadcelinaynaa dadaalka ay sameeyeen dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, iyo Mareykanka si ay heshiiska u gaaraan dhinacyadu.

Heshiiskan, waxaan ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in lagu biiro dadaallada lagu xoojinayo heshiiska iyo muhiimadda ay leedahay dardargelinta gelitaanka gargaarka bini’aadanimo ee degdegga ah ee dadka Gaza.

Soomaaliya waxay sii wadi doontaa inay taageerto nabadda, waxayna dalban doontaa xal cadaalad ah oo dhammaystiran kaas oo hubinaya qaab-dhismeedka dawlad madax-bannaan, madaxbannaan oo Falastiiniyiin ah oo ku saleysan xalka labada waddan”.