Hay’adaha garsoorka Soomaaliya oo si adag ula dagaalamaya kooxaha dadka Tahriibiya
Hay’adaha garsoorka dalka ayaa todobaad gudihiis markii labaad gacanta ku dhigey dad loo haysto inay ku howlanaayeen tahriibin sharci-darro ah iyo adeegsiga baasaboorro been-abuur ah.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Ba-naadir horgeeyay eedaysane Maxamed Ibraahim Cali, oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay magafayaasha tahriibiya dhalinyarada Soomaaliyeed, una daabula dalka Biniin, halkaas oo madax-furasho loogu qabsado.
Eedaysanahan ayaa lala xiriiriyay shabakado isku xira Soomaaliya, Itoobiya, Niger, iyo Aljeeriya, kuwaas oo jirdil u geysta ciddii bixin waysaa madax furashada ay ka doonayaan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in eedeysanahan loo taxaabo xabsi gaar ah oo uu caddaaladda ku sugayo, inta la dhammeystirayo baaritaanka kiiskiisa.
Sidoo kale maalmo ka hor ayaa gacanta lagu dhigey eedeysane kale oo lagu eedeeyay tahriibin iyo adeegsi Baasaboorro been-abuur ah, waxaana muuqanaysa in haatan si weyn loola dagaalamayo kooxaha ka qowlaysta tahriibinta dhalinyaradda Soomaaliyeed.