U bood dhigaalka

Ururada bulshada rayidka ah ee Galmudug iyo Hirshabeelle oo taageeray dadaallada ay wadaan guddiga Doorashooyinku

Ururrada bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa taageero u muujiyay guddiga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii ay xubnaha guddigaas ka tirsani ay gaareen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Cabdullaahi Salaad yarow oo hoggaaminayay xubno guddiga ka tirsan oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii ay kala hadleen bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, asagoo sheegay in ujeedka ay halkaas u tageeni ahayd inay bulshada la wadaagaan farriin la xariirta doorashada qofka iyo codka ah ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Cabdallaahi Salaad wuxuu intaa ku daray in ururrada bulshada rayidka ahi ay si weyn oo xamaasad leh u soo dhoweeyeen howlaha guddiga, ayagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay doorashada qofka iyo codka ka qeyb-qaataan.

Guddiga doorashooyinka ayaa wada dadaallo xoogan oo ku aaddan howlaha doorashada qofka iyo codka, waxayna wefdiyo kala duwan u direen dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle,  iyo Koonfur Galbeed.