U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay la wareegidda mas’uuliyadda Ciidanka DANAB

Ayadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Mareykanku uu hoosu dhigayo joojitaankiisa Soomaaliya, islamarkaana maamulka Trump uu xaqiijiyey inuu xirayo hay’adda USAID ayay dowladda Soomaaliya shaacisay inay la wareegayso kaalin walba oo uu Mareykanka banneeyo.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Carab oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Mareykanka ka dalbanayso inuu toos ugu wareejiyo kaalmada uu siinayo, balse haddii taageerada Washington iyo howlaha hay’adda USAID ay meesha ka baxaan ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed isku tashan doonaan.

Mar wax laga weydiiyay taageerada Mareykanka ee Ciidanka Danab ayuu sheegay in taakulaynta ay ciidamadaasi helaani ay isugu jirto mid farsamo, iyo mid mushaar, dowladda Soomaaliyana ay baahiyahaas dabooli doonto haddii uu Mareykanku joojiyo dhaqaalaha uu ku taageero xoogaggaas sida gaarka ah u tababaran.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray inuu joojin doono dhaqdhaqaaq kasta oo aan Mareykanka dani ugu jirin, waxaana la filayaa in Washington ay hoos u dhigto taageerada iyo joojitaankeeda ciidan ee Soomaaliya.