Galmudug oo dhisaysa matxaf Casri ah
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/10064854/81XFJtP8CAL._AC_UF350350_QL80_.jpg)
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa dhagax dhigey dhismaha Matxaf casri ah oo laga hirgelinayo magaala-madaxda Dhuusamareeb.
Matxafkan oo loogu magac daray ” Magool museum” ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashanaya dowlad goboleedka Galmudug iyo qurba joogta deegaanadaas ka soo jeedda ee ku nool dalalka caalamka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday qurba-joogta ka soo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay ka go’antahay inay si degdeg ah u hirgeliyaan dhismaha Matxafka oo casri ah loo dhisayo, islamarkaana lagu keydin doono taariikhda iyo dhaqanka guunka ah ee Soomaalida.
Dhismaha Matxafkan ayaa kamid ah mashaariicda isku tashiga bulshada lagu hirgelinayo, islamarkaana dadka deegaanka iyo qurba joogtu ay kaalinta weyn ka qaadanayaan sida ay sheegeen masuuliintu.