U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ghana oo Mamnuucay Safarrada Qaaliga ah ee Madaxda

Sheeko:War

Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa soo saaray go’aan mamnuucaya in madaxda dalkaasi ay raacaan diyaaradaha qaaliga ah, isaga oo sidoo kale gebi ahaanba joojiyay safarrada aan muhiimka ahayn ee dibadda.

Madaxweyne Mahama ayaa ku sababeeyay go’aankan in qarashka lagu bixiyo safarradaasi uu ka yimaado cashuurta dadweynaha, taasoo ah mid loogu talagalay horumarinta dalka.

Sidaa darteed, wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in madaxdu si sahlan ugu dhoofaan lacagtii ay dadku bixiyeen, halkii ay wax loogu qaban lahaa shacabka Ghana.

Madaxweynaha ayaa xilka la wareegay kadib doorashadii sannadkii hore, wuxuuna dadaal ugu jiraa dhimista kharashaadka dawladda si wax looga qabto xaaladda dhaqaale ee uu dalkaasi wajahayo.

Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakamaynayo kharashaadka aan loo baahnayn, si wax looga qabto baahiyaha dhaqaale ee Ghana.