U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliland oo rajo ka muujiyay in Mareykanku uu aqoonsado maamulkiisa

Sheeko:War

Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay shirka dowladaha adduunka ee magaalada Dubai ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in Mareykanku uu noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsado Soomaaliland.


Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliland ay ku taallo goob istiraatiji ah, islamarkaana ay leedahay badda dhererkeedu uu gaarayo 800 KM, taas oo ka dhigaysa aag dunida muhiimad weyn u leh.

Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta oo shirkan abaabulkiisa lahayd ayaa Soomaaliland ku casuumtay, ayadoo sidoo kale madaxda ka socatay dowladda Soomaaliya isla shirkaas ka qeyb-galayaan.