U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo UK oo ka wada-hadlay mashaariicda dib u dhiska dalka

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa mashruuca NAGAAD, iyo La-taliyeyaal kale, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Mike Nithavrianakis, iyo madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo qeybta Horumarinta UK ee FCDO.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay mashaariicda dib-u-dhiska iyo guriyeynta, gaar ahaan mashruuca qorsheynta magaalooyinka iyo cagaareynta dalka, iyadoo labada masuul isku raaceen in la dardargeliyo howlaha dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Ingiriiska taageerada iyo dadaalka ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya.