Ciidanka cirka oo maanta u dabaaldegaya 65 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda

Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo kamid ah qeybaha uu ka koobanyahay xooggga dalku ayaa maanta u dabaaldegaya 65 sano guuradii ka soo wareegtay 15-kii Feebaraayo 1960-kii.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka Soomaaliyeed, ayagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso, loona qalabeeyo cutubkaas muhiimka u ah difaaca dalka.
Ciidanka cirka Soomaaliya oo magiciisa loo soo gaabiyo ( SAF) ayaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii, wuxuuna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalladii Itoobiya iyo Soomaaliya ee sanadihii 1964-tii iyo 1977-kii.
Dowladda Soomaaliya oo dhowaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ayaa looga fadhiyaa inay qalabayn iyo dib u dhis ku samayso ciidanka oo lagu tiriyo qeybaha ugu muhiimsana xoogga dalka Soomaaliyeed.