Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM ka fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Buulo barde ee gobolka Hiiraan.
Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AFRICOM, ayaa ku guuleystay fulinta howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 20-kii February, 2025-ka, howlgalkan qorsheysan ayaa ka dhacay deegaan ku dhow degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, waxayna taasi ay keentay in maleeshiyaadkaasi ay weerar kedis ah la kulmaan”.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta, iyo dadka deegaanku.