U bood dhigaalka

Puntland oo tillaabo adag ka qaaday askari ku xadgudbay wiil yar oo qaxooti ah

Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaaday tillaabo adag oo ka dhan ah fal uu geystay askari ka tirsan Ciidanka nabad-gelyadu, kaas oo baraha bulshada ka soo muuqday asagoo ulaynaya wiil yar oo qaxooti yemeniya ah.

Puntland ayaa xabsiga dhigtay askarigii ku kacay falkaas, waxayna masuuliyiin uu kamid yahay duqa magaalada Garoowe qaabileen qoyskiisa wiilka yar ee dhibaatada loo geystay.

Aabaha dhalay wiilka yar ee Yemeniga ah oo lagu magacaabo Caadil xuseen ayaa si weyn uga mahadceliyay tillaabada ay qaaday xukuumadda Puntland, asagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dalkiisa labaad.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga carootay falka uu ku kacay askarigaas ka tirsanaa Ciidanka Puntland, waxaana dhacdadaas saacadihii la soo dhaafay lagu hadal-hayay baraha bulshada.