U bood dhigaalka

Maamulka Trump oo qorshaynaya in dalal ay Soomaaliya kamid tahay laga mamnuuco tagidda Mareykanka 

Maamulka Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska dalalka la qorshaynayo in dadkooda laga mamnuuco gelitaanka Mareykanka, sababa la xariira xaaladaha nabad-gelyo ee ka jira.

Dalalka la qorshaynayo in dadkooda laga mamnuuco tagidda Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa ku jira dowlado waaweyn oo ay kamid yihiin Ruushka, Iran, Pakistan, Belarus, Libya, Sudan, Suuriya iyo qaar kale.

Hindisahan weli si rasmi ah looguma dhawaaqin, balse markii la dhaqan-geliyo wuxuu caqabad ku noqan doonaa dhammaan dadka dalalkaas ku nool ee doonaya inay u safraan Mareykanka.