Shiinaha oo ka digey xariirka Soomaaliland iyo Taiwan
Sheeko:Warar & Warbixino

Shiinaha oo ka digey xariirka Soomaaliland iyo Taiwan
Dowladda Shiinaha ayaa Somaliland uga digey Xiriirka ay la leedahay Taiwan oo Beijing ay u aragto qeybta kamid ah dalkeeda.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Yu. ayaa yiri “Taiwan ma aha dal waa qayb kamid ah hal Shiinaha ah oo adduunka ka jira, waxan ka digeynaa Xiriir ay la yeelaro Somaliland Taiwan.
Danjire Yu ayaa intaas ku daray ij Somaliland ay tahay qeb kamid ah Soomaaliya, Taiwan sidoo kale ay tahay maamul ka tirsan dhul weynaha Shiinaha.
Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli sanadihii la soo dhaafay Taiwan ay kordhisay galaangalkeeda Soomaaliland, ayadoo labada dhinac ay muujinayeen ka go’anaantooda iskaashi ay yeeshaan.