U bood dhigaalka

Maxaa laga ogyahay sababta uu Soomaaliland uga baxsaday Cabdimaalik Muuse Coldoon ?

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah Samafale iyo wariye hore ayaa sheegay inuu ka baxdaday magaalada Burco oo uu ku noolaa, ka dib markii uu helay xogo tilmaamaya in Soomaaliland ay qorshaynayso inay xirto, sida uu ku qoray bartiisa Facebook-ga.

 

Qoraalka uu baraha bulshada soo dhigay ee ahaa inuu ka baxsaday magaalada Burco ayaa hadal-hayn baaxad leh abuuray, lamana oga halka uu tagey, inkastoo uu sheegay inuu hadda ku suganyahay goob ahaan ah.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa horay dhawr jeer loogu xiray Soomaaliland, asagoo sanado badan ku xirnaa xabsiyada deegaanadaas, wuxuuna caan ku yahay dhaleecaynta hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland.

Dhowaan ayay ahayd markii uu baraha bulshada qabsaday qoraal uu uga falceliyay hadallo laga soo xigtay Soomaaliland oo tilmaamay in xukuumaddu ay wada-xaajood ka geli karto soo dhoweynta dadka reer Falastiin ee qasabka lagu barakicinayo, wuxuuna Coldoon sheegay in madaxda Soomaaliland aysan matalin uuna garab taaganyahay falastiiniyiinta.

Si kastaba ahaa xubno horay u sheegay inay Soomaaliland cadaadiska kala kulmeen, ka dibna ka baxsadeen ayaa tagey deegaannada ay joogto Alshabaab, Cabdimaalik’se lama oga halka uu tagey.