U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in 21 xubnood oo Alshabaab ah lagu diley duqeyn ay ciidanka qaranku ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen ilaa 21 xubnood oo isugu jiray dagaalamayaal iyo hoggaamiyaal ka tirsanaa Kooxda Alshabaab.

Howlgalkan lagu beegsaday Kooxda Alshabaab ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii bartilmaameedku ahaa, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay.

Hay’adda NISA ayaa dhanka kale, waxay dadka rayidka ah ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha ay ku suganyihiin Alshabaab, maddaama la xoojiyay howlgalka dalka looga saarayo kooxdaas.