Dagaal Ka Socda Deegaanka Ceelgaras ee Bariga Dhuusamareeb

Ceelgaras, Galmudug – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee bariga Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka qarxay, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay kooxda AS ku lahayd deegaanka.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan halkaasi, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hub culus, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya.
Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka. Dowladda iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalkan, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galmudug.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka Ceelgaras, waan idinla socodsiin doonaa.