U bood dhigaalka

Muxuu yahay heshiiska ay wada-galeen Soomaaliya iyo Ukraine?

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine Andrii Sybiha oo ku kulmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku aaddan hab-maamuuska xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, sida uu bartiisa X ku qoray wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Sybiha.

Wasiirka oo ay soo xigatay shabakadda Ukrinform ayaa yiri “Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya waa fursad aad u wanaagsan oo aan kula kulanay asxaabteena oo ay ku jiraan dalalka Afrika, Ukraine waxa ay xiisaynaysaa xoojinta xiriirka iyo joogitaanka, maanta waxaan si rasmi ah Soomaaliya ula sameynay xiriir diblomaasiyadeed, waxaan la saxiixday hab-maamuus khuseeya Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed”

Ukraine ayaa dagaal adag oo dhinaca militariga iyo siyaasaddaba leh kula jirta dalka Ruushka oo ah dowladda labaad ee dunida ugu tunka weyn, wuxuuna heshiiskani ku soo beegmayaa xilli Moscow ay sii xoojinayso saameynteeda qaaradda Afrika.