U bood dhigaalka

Maamulka Trump oo qorshaynaya inuu hoos u dhigo howlaha ay qabato safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya 

Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu xiro ku dhawaad ​​30 safaaradood iyo qunsuliyado dibadda ah, iyadoo hoos loo dhigayo joogitaanka dublumaasiyadeed ee Mareykanku uu ku leeyahay dalal badan oo dunida kamid ah, sida ay qortay shabakadda CNN.

Dalalka uu Mareykanku qorshaynayo inuu xiro safaaradaha uu ku leeyahay waxaa kamid ah: Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Congo,Gambia, Lesotho, Eritrea, South Sudan, Luxembourg, Malta, halka qunsuliyadaha ku yaalla Maldives iyo Grenada dalal kale loo wareejinayo.

Sidoo kale maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu hoos u dhigo howlaha ay qabtaan safaaradaha Mareykanku uu ku leeyahay Soomaaliya iyo Ciraaq, labadaas dal oo fure ah ladagaalanka Argagixisada sida lagu sheegay warka ay qortay shabakadda CNN.

Si kastaba ha ahaatee Ujeeddada uu Mareykanku dib u eegista ugu sameynayo joogitaankiisa dublumaasiyadeed ee dalalka qaarkood ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay in la yareeyo howl-wadeenada faraha badan ee ka shaqeeya safaaradaha iyo dhaqaalaha ku baxa.