U bood dhigaalka

Roob xooggan oo ka da’aya caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood

Roobka gu’ga ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan gobolllada waqooyiga iyo bartamaha dalka, ayadoo caasimadda Muqdisho ilaa xalay karartu ka da’aysay, islamarkaana waddooyinka qaar ay wadaad ku rogmay isku socodka dadka iyo gaadiidka saameyn ku yeesheen.

Roobabkan oo si weyn loogu qabowsada ayaa ku aaday xilli maalmihii la soo dhaafay kulayl aad u daran laga dareemayay caasimadda Muqdisho iyo dalka intiisa badan, waxaana meelaha qaar laga dukanayay salaadda roob doonta.

Deegaannada Soomaaliland, Khaatumo, Puntland, Galmudug meelo kamid ah, iyo Hirshabeelle ayay sidoo kale roobabku ka hooreen, ayadoo dhinaca Koonfur Galbeed iyo Jubbalandna la filayo in saacadaha soo socda roobab fara badani ka da’aan.