Maxaa laga ogyahay xogta sargaalka Itoobiya u shaqaynayay ee lagu diley Laascaanood ?

Magaalada Laascaanood ee maamulka SSC-Khaatumo waxaa dhowaan lagu diley Faarax Caydiid Jaamac oo ka tirsanaa Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, gaar ahaan qeybta sirdoonka, waxaana meydkiisa oo laga helay god ku yaalla halka loo yaqaanno Goojacadde ka dhalatay hadal-heynta ku saabsan sababta loo beegsaday iyo cidda ka dambeysa khaarajintiisa.
Meydkiisa hadda waxaa lagu baarayaa magaalada Garoowe, faahfaahin rasmi ahna weli dhacdadan kama bixin dowladda Itoobiya iyo laamaha ammaanka maamulka SSC-Khaatumo, balse Xeer Ilaaliyaha Guud ee Khaatumo Cabdullaahi Xirsi ayaa sheegay in dadka falkaas geystay ay ku raad-joogaan, asagoo intaas ku daray inay tuhunsanyihiin in Alshabaab ay dilka Sargaalkan ka dambeyso.
Faarax Caydiid Jaamac oo deegaan ahaan ka soo jeeda SSC-Khaatumo wuxuu horay uga tirsanaa kooxda Alshabaab, ka dibna wuxuu ku biiray sirdoonka dalka Itoobiya, asagoo qunsuliyadda magaalada Garoowe howlo amni uga qaban jiray deegaanada Puntland iyo Khaatumo, sida uu Xeer-Ilaaliyuhu sheegay.
Ninkan ayaa la sheegay inuu horay uga badbaaday dil qorshaysan oo ay kooxda Al-Shabaab soo abaabuleen, balse masuuliyadda dilkiisa cidina ma sheegan, waxaana isha lagu hayaa faahfaahinnada ay dhacdadan ka soo saari doonaan qunsuliyadda Itoobiya, SSC-khaatumo, iyo Puntland.