Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay shirka Uganda

La-Taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen ayaa ka war bixiyay waxyaabihii looga hadlay shirka madexeedka dalalka ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan, kaas oo ka qabsoomay magaalada Entebbe ee Uganda.
Sida uu sheegay Xuseen shirkan oo ay ka qeyb-galeen 5 dal oo kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, iyo Masar oo howlgalkan ku cusub ayaa diiradda lagu saaray culaysyada dhaqaalaha ee uu wajahayo AUSSOM, billaabidda howlgallaada, iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale shirka waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha ciidamada howlgalladii hore qeybta ka ahaa, ayadoo si qoto dheer looga dooday sida loo billaabayo howlgalka cusub ee AUSSOM oo hadda laba bilood ay ka dhimantahay xilliga uu billaabanayo.
Ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa dalka ka howlgalayay muddo ku dhow 20 sano, balse ilaa hadda xal looma helin baahidii dalka loo keenay, waxaana wax layska weydiinayaa waxa uu soo kordhin doona howlgalka cusub ee hadda abaabulkiisa lagu jiro.