Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in Baasaboorka Taiwan lagu soo galo dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday in dadka sita baasaboorka Taiwan inay dalka soo galaana, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jaziiradaas oo tilmaamtay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya cadaadiska ku saartay arrintaas, xilli Taiwan ay sare u qaadayso xiriirka ay la leedahay Somaliland.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ay todobaadkii hore soo saartay ogeysiis ah in laga bilaabo Arbacada maanta ah aan la aqbali doonin in lagu soo galo Soomaaliya baasaboor Taiwanese ah.
Taiwan ayaa muujisay cabasho xooggan oo ay kaga soo horjeedo tallaabadan ay dowladda Soomaaliya qaaday oo ay ku tilmaamtay mid uu Shiinuhu ku xakameenayo xorriyadda iyo ammaanka safarrada muwaadiniinteena, waxayna DFS ka dalbatay inay si deg deg ah uga noqoto go’aankaas.
Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin arrintan, Hay’adda Duulista Hawaduna kama jawaabin codsiga maamulkaas sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan.