U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weerarkii ay kooxda RSF ku qaaday Magaalada Porta Suudaan ee dalka Suudaan 

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerar is miidaamin ah oo diyaarad loo adeegsaday, kaas oo dhowaan lagu weeraray magaalada Port Sudan oo hadda ay ku shaqayso Xukuumadda militariga Suudaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay walaac xooggan ka muujineysaa weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee magaalooyinka Kassala iyo Port Sudan ee Jamhuuriyadda Suudaan, iyadoo falalkan ay ka dhigan yihiin koror halis ah oo ka hor imaanaya mabaadi’da caalamiga ah isla markaana halis gelinaya xasilloonida ballaaran ee gobolka.

Soomaaliya waxa ay si adag u cadeysay in ay si weyn uga soo horjeedo weerar kasta oo lagu soo qaado kaabayaasha dhaqaalaha, waxa ay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nolosha, adeegyada iyo hay’adaha aasaasiga ah ee dadka Suudaan, waxa ayna ku boorineysaa beesha caalamka iyo kuwa gobolka in ay xoojiyaan dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo colaadda si nabad iyo wada-hadal loo dhan yahay”.