Maxkamadda ICJ oo diiday dacwad ay Suudaan ka gudbisay Imaaraadka iyo garsoore Soomaali ah oo ka horyimid go’aanka maxkamadda
Sheeko:Warar & Warbixino

Maxkamadda caddaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICJ) ayaa laashay dacwad ay Suudaan ka gudbisay dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, iyada oo sheegtey in aysan awood u lahayn inay qaaddo gal-dacwadeedkan.
Suudaan ayaa ku eedeysey dowladda Imaaraadka in ay xasuuq ka geysatay gudaha dalkaas, iyada oo gacan siinaysa kooxda fallaagada ah ee RSF.
Dhanka kale Garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Yuusuf ee ka tirsan ICJ ayaa ka soo horjeestey go’aanka maxkamadda, isaga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo hannaanka caddaaladda khilaafsan.
Warbaahinta gudaha Suudaan ayaa baahisay faallooyin ku saabsan mowqifka uu qaatay garsoore Cabdulqawi Yuusuf, ayagoo ku tilmaamay in uu hiil iyo garab istaag u muujiyey dalkooda.