Warbixinta sannadlaha ah ee Corruption Perceptions Index (CPI), oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee Transparency International, ayaa mar kale muujisay xaaladda liidata ee hufnaanta iyo isla-xisaabtanka Soomaaliya, kadib markii ay gashay kaalinta labaad ugu hooseysa caalamka qeymaynta sanadkii tagey ee 2025.
Cabbirka CPI, oo lagu qiimeeyo dalalka adduunka heerka musuq-maasuqa ka jira hay’adaha dowladda, ayaa adeegsada miisaan u dhexeeya 0 ilaa 100, halka 0 uu ka dhigan yahay musuq aad u baahsan, 100-na uu muujinayo dal aad u daah-furan.
Natiijada qeymaynta sanadkii 2025-kii ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay weli tahay dal si weyn ugu liita hufnaanta maamul, isla markaana wajahaya caqabado waaweyn oo dhinaca maamul-wanaagga ah.
Koonfurta Suudaan ayaa gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, ayadoo booskaas ka riixatay Soomaaliya oo sanado badan ku jirtay, sida lagu soo bandhigay natiijooyinka qeymayn sanadle ah oo transparency International ay horay u soo saartay.