Bangiyada iyo shirkadaha adeegyada maaliyadeed ee Maraykanka oo ka walaacsan weerarro dhinaca Internet-ka ah
Bangiyada iyo shirkadaha adeegyada maaliyadeed ee Maraykanka ayaa galay feejignaan amni oo sare kadib markii ay soo baxeen walaacyo ku saabsan suurtagalnimada weerarro internet (cyberattacks) oo la xiriira colaadda sii xoogeysanaysa ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.
Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegaysa in hay’adaha maaliyadeed ee Maraykanka ay kordhiyeen kormeerka amniga internetka, maadaama khataraha weerarrada cyber-ka ay inta badan kordhaan marka ay jiraan xiisado siyaasadeed ama dagaallo caalami ah.
Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay kadib weerar cirka ah lagu dilay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, toddobaadkii hore, taas oo sii hurisay colaadda Bariga Dhexe isla markaana saameyn ku yeelatay suuqyada dhaqaalaha ee caalamka.
Saraakiil ka tirsan waaxda bangiyada ayaa sheegay in bangiyadu si gaar ah uga walaacsan yihiin weerarro ay fulin karaan kooxo hackers ah oo taageersan Iran, ayadoo Weeraradaas ay ka mid noqon karaan kuwa loo yaqaan DDoS (Distributed Denial-of-Service), oo ah marka server ama website lagu daadiyo xog aad u badan si loo hakiyo shaqadiisa.
Todd Klessman, oo ka tirsan ururka shirkadda maaliyadda ee SIFMA, ayaa sheegay in hay’adaha maaliyadeed ay had iyo jeer feejigan yihiin, gaar ahaan marka ay kordhaan khataraha amniga internetka ee caalamiga ah.
“shirkaduhu mar walba waa diyaar inay ka jawaabto khataraha cyber-ka, gaar ahaan marka ay sare u kacaan khataraha amniga ee caalamka,” ayuu yiri Klessman.
Qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa tilmaamaysa in kooxo hackers ah oo taageersan Iiraan ay suurtagal tahay inay qaadaan weerarro heer hoose ah oo ka dhan ah shabakadaha Maraykanka, inkastoo aysan weli muuqan weerarro waaweyn.
Hay’adda qiimeynta deymaha ee Morningstar DBRS ayaa sidoo kale ka digtay in colaadda sii socota ay kordhin karto khataraha cyber-ka ee bangiyada iyo shirkadaha maalgashiga caalamka.
Warbixin kale oo ay soo saartay ururka FS-ISAC sanadkii 2025 ayaa muujisay in waaxda adeegyada maaliyadeed ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada DDoS sanadkii 2024, iyadoo dagaallada ka socda Ukraine iyo Gaza ay kordhiyeen weerarrada hackers-ka ee loo yaqaan “hacktivism”.
Inkasta oo aan dhawaan la arkin weerar cyber oo si weyn u curyaamiya nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka, haddana weerarro yaryar iyo kuwa madax-furasho (ransomware) ah ayaa hore u saameeyay qaybo ka mid ah suuqyada maaliyadda.
Xeeldheerayaasha amniga internetka ayaa sheegaya in bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ay sii xoojinayaan difaacyadooda si loo ilaaliyo nidaamyada lacag bixinta, suuqyada ganacsiga iyo nidaamyada kale ee muhiimka u ah dhaqaalaha Maraykanka.