Dabaaldegyadii ciidda ee dalalka Carabta ayaa sanadkan waxaa si weyn u saameeyay xiisadaha militari ee gobolka, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo huwanta Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo keentay in la xaddido ama la mamnuuco isu soo baxyadii waaweynaa ee munaasabadda Ciidda.
Dalal badan oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaa qaaday tallaabooyin amni oo adag, iyadoo qaar ay joojiyeen salaadaha bannaanka lagu tukado iyo isu imaatinnada dadweynaha, si loo ilaaliyo badbaadada shacabka xilli ay jirto cabsi la xiriirta weerarro iyo xaalado amni darro.
Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, salaadaha Ciidda ayaa lagu tukaday gudaha masaajidda halkii lagu oogi lahaa goobaha furan, sida ay horey u shaaciyeen mas’uuliyiintu, tallaabadan ayaana lagu macneeyay mid lagu xaqiijinayo ammaanka dadka cibaadeysanaya.
Madaxweynaha Imaaraadka, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa hambalyo u diray shacabka Imaaraadka iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka, isagoo muujiyay kalsooni ah in gobolka uu ka gudbi doono caqabadaha jira islamarkaana uu gaari doono mustaqbal nabdoon oo barwaaqo ah.
Dhankiisa, Sultan bin Muhammad Al Qasimi ayaa salaadda Ciidda ku tukaday masaajidka Sharjah, halkaas oo khudbaddii lagu booriyay bulshada inay xoojiyaan qiyamka diinta, tarbiyadda carruurta, iyo midnimada qoysaska, iyadoo sidoo kale la xusay doorka ciidamada iyo halyeeyada qaranka.
Sidoo kale, masuuliyiinta Sucuudiga, Qatar, Baxrayn, iyo cummaan ayaa ayaguna uga digey dadweynaha isku soo baxyada munaasabadda Ciidda, ayagoo ku baaqay in guryaha ay ku sugnaadaan dadweynuhu.
Si kastaba ha ahaatee dalalka Carabta oo looga bartay munaasabado iyo dabbaal-degyo waaweyn oo farxadda ciidda lagu muujinayo ayaa sanadkan u muuqda kuwo ka duwan sidii hore, ayadoo duqeymaha Iiraan ay si aan kala sooc lahayn ugu socdaan dalalka Gobolka.