Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn si ay u muujiyaan farxadda maalinta Ciidda.
Ciiddaan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama si mideysan looga wada ciiday dhammaan gobollada dalka, halka sanadihii la soo dhaafay ay jireen kala duwanaansho, iyadoo deegaannada qaar ay maalinta labaad ka ciidi jireen.
Waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa mashquulka badan laga dareemayaa, ayadoo lagu arkayay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira carruur, dhallinyaro iyo waayeel, kuwaas oo xiran dhar cusub isla markaana isu hambalyeynaya munaasabadda Ciidda.
fagaarayaasha iyo goobaha dalxiiska ayaa sidoo kale noqday meelaha ugu mashquulka badan, iyadoo qoysas badan ay halkaas ku qaadanayeen waqti farxad leh, halka carruurtuna ay ku raaxeysanayeen ciyaaro iyo damaashaadyo kala duwan.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee sanadkan lagu arkay ayaa ah midnimada iyo isku waafaqidda bulshada Soomaaliyeed, maadaama dhammaan gobollada dalka ay si isku mid ah u wada dabaaldegayeen Ciidda, taasoo sare u qaadaysa dareenka wadajirka iyo farxadda guud.