falcelin xooggan ayaa ka dhalatay ka qeyb-galka Ra’iisul Wasaaraha Australia ee Tukashada salaadda Ciidul Fidriga ee lagu tukaday masaajidka Lakemba ee magaalada Sydney, iyadoo qaar ka mid ah dadka cibaadeysanayay ay muujiyeen caro iyo diidmo.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya qaar ka mid ah muslimiinta oo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin “taageere xasuuq”, iyagoo muujinaya cabashooyin la xiriira mowqifka siyaasadeed ee dowladda Australia, gaar ahaan arrimaha la xiriira Bariga Dhexe.
Dadka dibadbaxa sameynayay ayaa tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn joogitaanka Ra’iisul Wasaaraha gudaha masaajidka xilli ay tukanayeen salaadda Ciidda, iyagoo u arkayay arrin aan ku habboonayn goob cibaado iyo munaasabad diimeed.
Dhanka kale, lama shaacin wax rabshado ah oo ka dhashay dhacdadan, iyadoo ammaanka goobta uu ahaa mid la xakameeyay, ayadoo mas’uuliyiinta masaajidka iyo kuwa ammaanka ay ku guuleystay inay xaaladda dejistaan, inkasta oo ay jireen qaylo iyo mudaaharaadyo kooban.