U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay guddi doorasho, xilli ay xiisad adagi kala dhaxayso DFS

Maarso 23, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magacaabay guddi madax-bannaan oo ka kooban 9 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray diyaarinta iyo maamulidda doorashooyinka maamulkaasi.

Guddigan cusub ayaa la filayaa inay soo diyaariyaan hab-raac doorasho oo dadban, kaas oo dib loogu dooranayo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kaddib markii Madaxweyne Laftagareen uu ka baxay hannaankii doorasho ee ay wadday dowladda dhexe, kaas oo ku saabsanaa qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, wuxuu ka baxay xubinnimadii xisbiga JSP, taas oo sii kordhisay kala aragti duwanaanta siyaasadeed,
go’aannadan ayaana horseeday muran siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan jihada doorashada iyo mustaqbalka maamulka.

magacaabista guddiga doorashada waxay muujineysaa dadaal uu Madaxweyne Laftagareen ku doonayo inuu ku qabsado doorasho u gaar ah, balse tillaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay sii kordhiso khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo saamileyda kale ee siyaasadda.