Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah wareegto rasmi ah xilalkii kaga qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 117-aad iyo 120-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isaga oo tilmaamay in tallaabadan looga gol-leeyahay xoojinta iyo dardar-gelinta shaqooyinka muhiimka ah ee wasaaradahaas u hayaan qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey labada masuul muddadii ay u soo shaqeeyeen dalka, wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.
In kasta oo wareegtada lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta shaqo-xoojin, haddana xil ka qaadistan ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo ay labadan xildhibaan oo laga soo kala doorto Puntland iyo Jubbaland ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxda maamulladaas, iyagoo dhawaan ka qayb-galay shirar looga soo horjeedo dowladda Federaalka oo ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.