U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Prof Cali Jimcaale Axmed

Abriil 1, 2026

Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor dalka Mareykanka ku geeriyooday bare sare Dr.Cali Jimcaale Axmed oo ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo qoray buugaag iyo cilmi-baarisyo badan.

Cali Jimcaale Axmed Nuur Wuxuu ku dhashay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir taariikhdu markay ahayd 17-kii Abriil 1954, wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Mogadishu.

Intii uu yaraa, wuxuu si gaar ah u jeclaa waxbarashada iyo akhriska, taas oo saldhig u noqotay guulihiisa mustaqbalka iyo heerka sare ee ka gaaray aqoonta.

Waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay dugsiyo ku yaalla degmooyinka Shibis iyo Warta Nabadda, gaar ahaan Iskuulka 15-ka May oo uu ka baxay.

Ka dib markii ka gudbay shaqadii qaranka wuxuu waxbarashada jaamacadda ka bilaabay Jaamacaddii Lafoole, kadibna waxbarashadiisa sare ayuu ka sii watay gudaha iyo dibadda, gaar ahaan dalka Mareykanka.

Dhinaca diinta, wuxuu yaraantiisii ka bartay Sheekhii caanka ahaa ee Shiikh Xuseen Cadde, asagoo Sidoo kale, ku barbaaray deegaan suugaaneed hodan ah, maadaama hooyadiis ay ahayd haweeney suugaanta si fiican u taqaanna, halka aabihiisna uu ahaa sheekeeye caan ah.

Taas ayaa ku dhalisay xiisaha iyo hibada uu u yeeshay suugaanta, sida uu ku sheegay wareysi uu horay u bixiyay.

Prof. Cali Jimcaale wuxuu noqday Bare Sare oo ku takhasusay cilmiga Comparative Literature, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadaha Queens College iyo CUNY Graduate Center ee ku yaalla magaalada New York.

Intaa waxaa dheer, wuxuu xilal maamul ka soo qabtay qaybaha jaamacadahaas, taas oo muujinaysa kaalintiisa hoggaamineed ee dhinaca waxbarashada.

Dhanka suugaanta iyo qoraalka, Prof. Cali Jimcaale Axmed Nuur wuxuu qoray buugaag iyo cilmi-baarisyo muhiim ah oo si weyn loo aqoonsaday, waxaana ka mid ah Gaso, Ganuun, iyo Gasiin, When Donkeys Give Birth to Calves, iyo The Invention of Somalia.

Qoraalladiisu waxay si qoto dheer u falanqeeyaan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed oo muddo dheer ku howlanaa sidii uu u hormarin lahaa.

Prof. Cali Jimcaale Axmed Nuur wuxuu ku geeriyooday dalka Mareykanka, isagoo ka tagay dhaxal aqooneed iyo suugaaneed oo qiimo badan, wuxuuna keyd aqooneed u reebay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka aqoonta, isagoo ka mid ahaa haldoorka ugu muhiimsan ee suugaanta iyo cilmiga Soomaaliyeed.